Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Dagaal Salka Ku Haya Muran Dhuleed

272

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay maanta maleeshiyaad hubeysan ka geysteen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac intaba.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa rasaas ku furay goob ay ku sugnaayeen dadka shacab ah, kadibna waxay isaga carareen goobta, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaan ku dhintay ugu yaraan 1 qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen 2 kale, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ayaanle Siciid Faarax oo kamid ahaa dhalinyarada ku nool magaalada Gaalkacyo ee xaruntagobolka Mudug.

Weerarkan ayaa daba socda dagaal maalmo kahor ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo, kaas oo u dhexeeyey labada maleeshiyo oo ku murmay dhul ku yaalla halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi khasaaraha dhaliyey iyo howlgallada xigay ee la sameeyey.