Dhuusa Mareeb Diyaar Garowga Furitaanka Shirka Dib uheshisinta Beelaha Galmudug

1645

Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta kormeer iyo hubin ku sameeyey xarumaha lagu qabanayo Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Galmudug ee ka furmaya Caasimadda Dhusamareeb 17 ka bishaan.

Guddiga oo Kormeer iyo Hubin ku sameeyey;
1. Xarumaha Shiirkole iyo Enji ee loo diyaariyey deegaanka ergooyinka iyo qabashada shirka, kadib dayactir iyo qalabeyn lagu sameeyey.
2. Diyaar-garowga hawl-wadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ee ku hawlan soo dhaweynta iyo tas-hiilaadka ergooyinka Shirka.
3. Diyaar-garowga Ciidamada Amniga ee Federaalka.
4. Diyaarinta Agabyada iyo Adeegyada muhiimka ah ee Shirka.
5. Guddiga ayaa geba-gebadii Kormeerkiisa ku bogaadiyey una mahad-celiyey hawl-wadeenada Wasaaradda, Ciidamada Amniga iyo dadka deegaanka Caasimadda ee u heelan soo dhaweynta iyo u adeegidda wufuudda iyo ergooyinka ka soo qeyb-gelaya Shirka.

Xigasho Dr Mohamed Gacal