DHUUSA MAREEB.Waxaa ku Qul qulaya Ergada ka qeyb galeysa Shirka Dib uheshisinta Galmudug.

1706

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta soo gaaraya Ergadii ugu badneed oo ka qeyb galaya Shirka dib u heshiisiinta Galmudug, kuwaas oo intooda badan ka kala imaanaya Muqdisho, Balanbal iyo Caabudwaaq.

Shirka ayaa lagu waday in maanta oo Sabti ah kuna beegan 17-ka Agosto uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb, balse waxaa ku yimid dib u dhac aan la shaacin waxa sababay.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada Shirka Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, halkaas oo sida la shegay ay uga yeereen madaxda ugu sareysa dalka.