Dib u dhac ku yimid doorashada Aqalka sare

1260

Waxaa mar kale dib u dhac ku yimid markii saddexaad doorashada Aqalka Sare oo Guddiga Doorashada heer federaal uu shaaciyey inay bilaaban doonto 25-ka July, 2021 oo ku beegan Maanta.

Dib u dhacan ayaa la sheegay inuu ka yimid diyaar garow la’aan iyo cagajiidka Maamul Goboleeyada, waxaana ugu dhow Maamulka Jubbaland oo howsha Doorashada Aqalka Sare ay uga harsan tahay inuu Madaxweynaha maamulkaasi liiska Musharixiinta u gudbiyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland.

Ilaa iyo hadda a jirto Liiska Musharixiin oo la hayo, waxaana sidoo kale fasax ku maqan Baarlamaanka Galmudug oo aan isu imaaneynin ka hor 1-da Ogost, mana muuqdo olole doorasho oo socda.

Arrintan waxay mugdi kale sii gelineysaa Doorashada Dadban ee Federaalka oo muddo dheer dib u dhacday, welina u muuqata mid jiitameysa.

Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay shuruud ka dhigtay qabashada Doorashada Aqalka Sare si ay u bixiso dhaqaalaha doorashada, laakiin maamul Goboleedyada iyo Gudiyadooda ayaa doonaya in dhaqaale lagu siiyo Doorashada Aqalka Sare, taasoo beesha caalamka ay diidan tahay.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT), iyo xubno la socda ayaa Shalay Magaalada Kismaayo u tegay dardar-galinta qabsoomidda doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.