Dib u dhac ku yimid keenista Meydka Eng Yariisoow

1446

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay sababta keentay in maanta ay baaqato Diyaaradii soo qaadi laheyd Meydka Gudoomiyihii gobolka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Guddiga qaban qaabadda ayaa sheegay in diyaaradda ay u baaqatay sababo dhanka Farsamada ah, islamarkaana maalinta berri ah la keeni doono.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa shaaciyey in dib u dhac sababay Cilad Farsamo oo ku timid diyaarada ay keentay in Aaska uu u dhaco berri subax 08:00AM hadii uu Alle idmo.

Dad Boqolaal ah oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay guryahooda, waxaana sidoo kale xusid mudan inta badan maanta in la xiray Wadooyinka Muqdisho.