Dib U Eegid: Man United Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh 33 Sano Ka Hor Ay Ka Dhigtay Premier League

1757

Kooxda Man United ayaa bar-baro niyad jab leh ka gashay kooxda Sheffield United Kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Bramall Lane.

Xiddigaah Brandon Williams, Mason Greenwood Iyo Marcus Rashford ayaa Man United  u dhaliyay 3-da gool ee ay Man United ka dhalisay kulanka.

Laakiin Red Devils ayaa laga dhaliyay 3 gool iyada oo waliba laba gool looga horeeyay qaybtii hore ee ciyaarta ka hor inta ayna 3-da gool dhalin Man United.

Goolasha laga dhaliyay Man United ayaa la macno ah in shabaqeeda la soo taabtay 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda horyaalka premier League.

Kadib goolasha laga dhaliyay kooxda Man United ayaa boodhka ka jafatay rikoodh xun oo premier League ah kaas oo ay dhigtay 33 sano ka hor gaaar ahaan xilli ciyaareedkii 1985/1986.

xilli ciyaareedkan ayaa ah midkii ugu horeeyay tan ilaa 1985/1986-kii markaas oo 12 kulan oo xidhiidh ah oo ay marti tahay gool laga dhaliyay horyaalka premier League.