Dil goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

1774

Kooxo hubeesan ayaa goordhaw xaafad katirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen nin sargaal ah oo la sheegay in uu katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay koox hubeesan oo wadatay gaari yar oo nuuca raaxada ah ayaa sargaalkan dilay xili uu dukaan wax ka iibsanayay , kooxda dilka geesatay ayaana horey uga baxsatay goobta ay ku dileeen sargaalkan.

Sargaal la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Canshuur, waxa uuna kamid ahaa booliiska ka howglada degmada Hodan , waxaana goobta lagu dilay sargaalkan baaritaano ka sameeyay ciidamo booliis oo ku guul dareestay in ay helaan ragii dilka geestay.

Dilalka qorsheesan ee loo geesto ciidamada dowlada iyo shaqaalaha kale ee dowlada federaalka ayaa si caadi ah uga dhaca Muqdisho, waxaana inta badan ka baxsada raga hubeesan ee fuliya dilalkaasi.