Dil ka dhacay guriga lagu hayo Mukhtaar Roobow

1686

Faah faahino ka soo baxaya shaqaaqo sababtay dil oo xalay ka dhacday guriga lagu hayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli u xiran dowladda, kadib markii 2018-kii laga soo qabtay magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in dil loo geystay mid ka mid ah askartii ilaalada ka heysay gurigaasi, kaas oo uu dilkiisu fuliyey askari kake oo waardiyeyaasha ka tirsan.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Aweys Cabdullaahi Xaashi, kaas oo ka tirsanaa ciidamada nabad-sugida ee illaalada ka heysay xabsiga guriga la geliyay Roobow.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dilka uu yimid, kadib markii uu maran soo kala dhex-galay askariga la dilay iyo midka wax dilay, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay askariga kale ee dilka geystay oo haatan ku jira xabsiga

Askariga la dilay oo ahaa Dable ka tirsan Ciidanka nabad sugida ee NISA

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, balse wararka ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay askariga geystay dilkaasi.

Arrintaan ayaa sidoo kale la sheegay inay sababtay qal-qal ku yimid ammaanka guriga Sheekh Mukhtaar Roobow oo horay uga soo goostay kooxda Al-Shabaab.

Tan iyo sanadkii 2018-kii markii la soo xiray wadaadkaan ayaa waxaa lagu wareejiyey hay’adda NISA oo weli gacanta ku heysa, isagoo xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho.