Dil ka dhacay xarunta Inji ee Dhuusomareeb

1892

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in askari katirsan ciidanka Ahlu Sunna lagu dhax dilay xarunta Inji oo ah halka ay degan yihiin hogaanka sare ee Ahlu Sunna.

Sida aan wararka ku helnay dilka askarigan oo katirsanaa ciidanka Ahlu Sunna gaar ahaan ilaalada Wasiirka Amniga Jubbaland Saadaq Sheekh Yuusuf waxaa ka dambeeyay askari kale oo isna katirsan ilaalada Wasiirka.

Ciidamada Ahlu Sunna ee ku sugan xarunta Inji ayaa gacanta ku dhigay askariga dilka geestay, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in dilkan uu salka ku hayo muran soo kala dhax galay labada askari.

Amaanka magaalada Dhuusomareeb waxaa gacanta ku haya ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya, ciidamada Ahlu Sunna ayaana ku xareesan xarunta Inji oo kutaala meel ku dhaw Madaxtooyada Galmudug.