Diyaarad ay leedahay Shirkada Ethiopian Airlines oo bur burtay

1776

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa la sheegay inay saakayto burburtay, xilli ay ku sii jeeday Nairobi, sidaas waxaa Twitter-kiisa ku sheegay Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Abiy Ahmed, oo u tacsideeyey dadkii ku geriyooday Diyaaradaasi.

Ma kala cadda tirada rakaabkii la socday Diyaaraddaasi oo ku jirtay duullimaadkeeda caadiga ee ay isaga kala gooshto magaallooyinka Addis Abeba iyo Nairobi.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa xaqiijiyey shilkaasi, isagoo sheegay inay Shirkaddu hadal-qoraal ka soo saari doonaan faahfaahinta shilkaasi.

Qaar ka mid ah duullimaadyadda Diyaaradaha ee saakayto ka hinqan lahaa Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa ayaa dib loo dhigay, halka kuwa kalena la kansal-gareeyey.