Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Kenya oo kudhacday Dhoobley

1427

Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada milatariga Kenya ayaa ku dhacday garoonka diyaaraddaha ee magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose Soomaaliya.

Diyaaradaan oo sahay u siday ciidamada Kenya ee ku sugan saldhiga Dhoobley, ayaa la sheegay inay dhacday markii ay isku diyaarinaysay inay cagaha dhigato garoonka.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo ahaa duuliyihii diyaaradda ayaa ku geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay.

Ciidanka Kenya wali faahfaahin kama bixin dhacdadaan. weli Lama oga sababta keentay bururka diyaaradan.

Soomaaliya shilalka diyaaradaha, ayaa noqday kuwo taxane ah muddooyinkii ugu dambeeyay.