Diyaarad Drone ah oo ku dhacday degaan ay joogaan Al-shabaab

111

Dadka degaanka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarad Turki ah oo nooca Drone ta ah ay ku dhacday tuulada Farsooleey halkaasi oo ay gacanta ku hayaan dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al shabaab.

Illo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in diyaaradda goobta ay ku dhacday durbaba ay gaareen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo caleemaha geedadka ku daday diyaaradda si aan loo arkin ama loo helin xogta goobta ay diyaaradaani ay ku dhacday.

Tuuladaan oo dhow degmada Qoryooleey ee Farsooley waxa ay 130KM u jirtaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali ka hadlin diyaaradaasi ku burburtay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Warar kale ayaa sheegaya in diyaaradaan ay ku xirnaayeen gantaalo ayna kuguda jirtay howlgal ka dhan ah Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Al-shabaab ayaan wali dhankoodi kama hadlin diyaaradaasi ku dhacday aaga ay iyagu maamulayaan ee Farsooleey.

Wixii maclumaad ah ee kusoo kordha warkaan wararkeeni dambe ayaan kusoo baahin doonaa.