Diyaarad lagu soo dhex qariyay Qaad oo dib loogu celiyay Kenya

1572

Sida ilo lagu kalsoonyahay u sheegaan Wardoon.net, waxaa saakay hawada Soomaaliya laga celiyay diyaarad ay leedahay shirkadda duullimaadyada Jetways oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya.

Diyaaradda oo sidday illaa iyo 80 rakaab ah ayaa waxaa soo kireeyay safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya, waxayna sidday illaa iyo 80 rakaab ah oo u badan muwaadiniin Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in sababta dib loogu celiyay ay tahay Khaad lagusoo qariyay.

Mas’uuliyiinta shirkadda diyaaradda iska leh ee Jetways oo markii ay diyaaradda duushay helay xogta ah in Khaad la saaray ayaa la xiriiray hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee Kenya “KCAA”, balse xilliga Kenya ay xiriirka lasoo sameeyay diyaaradda waxay kasoo baxday hawadeeda, waxayna usoo gudubtay dhinaca Soomaaliya. Waxayna taasi keentay in madaxda Shirkadda diyaaradda iska leh ay lasoo xiriireen haya’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya, waxaana diyaaradda dib loogu celiyay Nairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucday Jaadka , inta lagu guda jiro la dagaallanka xanuunka COVID-19.

Golaha wasiirrada ayaa horay sharcigaasi u meel mariyay, iyadoo diyaaraddii Khaad keenta Soomaaliya ay wajaheyso ciqaab adag oo saameyn ku yeelan kareysa ganacsigeeda.