Diyaarad Milatariga Mareykanka leeyahay oo dhacday iyo askartii saarneed oo la layahay

101

Diyaarad ay leeyihiin ciidanka Marineska ee dalka Maraykanka ayaa ku dhacday buuraha barafku daboolay ee California, waxaana nolol iyo geeri la layahay askartii la socday diyaaradaasi dhacday.

Diyaarada dhacday oo nuueedu yahay CH-53E Super ayaa dul mareysay xilliga ay dhaceysay buuro ay baraf dabooleen, waxaana ilaa hadda la caddeyn sababta keentay in diyaaradan ay dhacdo.

Shan askari oo la socotay diyaarada dhacday ayaan ilaa hadda la heyn nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyaan, waxaana diyaaradan bur burkeeda la sheegay in laga helay meel 72-km u jirta halkii ay ka duushay.

Kooxaha gurmadka ayaa wada baadigoob ay ugu jiraan nolol iyo geeri sidii ay u heli lahaayeen askarta la socotay diyaarada dhacday, waxa ayna saraakiil Mareykan sheegeen in uu hadda socdo howlgal badbaadin ah.

Diyaarada dhacday ee lahaayeen milatariga Mareykanka ayaa la sheegay in ay ku jirtay duulimaad tababar ah, waxaana bilowday baaritaanno ku aadan sababta keentay shilkan diyaaradeed ee dhacay.