Diyaarad Qaad Siday Oo Ku Burburtay Caabudwaaq+SAWIRRO

251

Diyaarad nooca yar-yar ayaa barqanimadii Maanta waxaa ay ku burburtay duleedka magaalada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug, diyaarada ayaana ka duushay markii hore Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Diyaarada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay qaad/Jaad u sidday magaalooyinka Cabudwaaq iyo Gaalkacyo, hayeeshee inta aysan marka hore ku degan Garoonka diyaaradaha Cabudwaaq ay burburtay, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sawirro laga soo qaaday goobta ay ku dhacday diyaarada ayaa muujiyay burbur gaaray mid kamid baalasha ay ku duuleysay diyaaradda, isla markaana qeybta hore ay dhulka ku dhufsatay meelo ay ku yaallaan geedo yar-yar,

Taliyaha Dhulka Iyo Saraakiil Kale Oo Gaaray Degaano Laga Qabsaday Al-Shabaab

Ilaa iyo haddaa lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa burburka iyo dhicitaanka diyaaradaan qaadka u sidday magaalooyinka Cabudwaaq iyo Gaalkacyo ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud ka kala tirsan, sidoo kalena lama oga khasaaraha ka dhashay.

Wararkii ugu danbeeyay ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan inay haatan socdaan baaritaa kala duwan oo ay wadaan laamaha ammaanka ee dowlad Goboleedka Galmudug oo isku hareereeyay goobta diyaarada ay kusoo dhacday.