Diyaarad Qaad usiday Puntland oo DF Soomaaliya Hawada ka celisay

1491

Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa dib u celisay diyaarad waday Qaad oo ka timi dalka Kenya, taas oo doonaysa in ay ka dagto garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Muqdisho.

Diyaaraddan oo 3dii habeenimo kasoo duushay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa aroornmadii hore ee saaka qorshuhu aha in ay ka dagto magaalada Gaalkacyo, sidaas oo kale waxay u gudbi lahayd magaalada Qardho, sida ay shegyan wararka hordhac ah ee lahelayo.

Hay’adda la socodka Hawada & Saadaasha ee dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in ay diyaaradan dib ugu labto gudaha Kenya iyo halkii ay kasoo kacday, ayna tahay talaabo khaldan go`aanka ay sameysay.

Xukuumadda Faderalka ayaan wali fasixin Qaadka loo yaqaano Miirooga ee ka yimada dalka Kenya, waxaana talabadan ay dharbaaxo kale oo adag ku tahay Beeraleyda Qaadka ee dalkaas, oo aan wali helin in dib loo fasaxo Suuqyadooda qaadka ee dalka Soomaaliya.

Maamulka Miirooga ee Kenya ayaa sheegey in celinta diyaaraddan ay u gaysatay dhaawac weyn oo dhaqaale. Bishii hore ayaa sidan oo kale ay DFS dalka uga celisay diyaarad qaad oo laga leeyahay Kenya.