Diyaaradaha Turkiga oo ku biiray dagaalka Al-Shabaab

232

Diyaaradaha dagaalka Ciidamada Turkiga ayaa kusoo biiray dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, ee ka soconaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya, diyaaradaha Bayraktar ayaa bilaabay duqeymo ay ku beegsanayaan saldhigyada ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil kamid ah Ciidamada hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ayaa inoo xaqiijiyay ku biirista diyaaradaha Bayraktar ee dagaalka, iyagoo xusay inay Ciidamada ka taageerayaan burburinta saldhigyada Al-Shabaab

Sidoo kale, Diyaaradaha ayaa ciidamada la wadaagaya xogaha inta ay u jiraan cadowgu iyo goobaha ay ku sugan yihiin.

“Diyaaradaha Bayraktar si toos ayay ugu soo biireen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxay naga caawinayaan burburinta saldhigyada Al-Shabaab iyo inaan helo xogahooda” ayuu yiri Sarkaal diiday inaan magaciisa aan sheegno.

Goballada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa ka soconaya guluf dagaal oo aad u ballaaran, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka, Al-Shabaab ayaana looga qabsaday howlgallada deegaano badan.