Diyaaradihii ka imaanjiray Kenya to Kismaayo oo lajoojiyay

82

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo kale oo ka dhan ah maamul goboleedka Jubbaland, xilli ay weli kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso labada dhinac.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda dhexe ay hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo, sababo la xiriira xiisadda kasii dareysa.

amarkan ayaa toos loola wadaagay shirkadaha diyaaradaha oo lasiiyay digniin ah in aysan ka dagi karin Kismaayo marka ay ka baxayaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Xayiraaddan kuma jirto duulimaadyada gudaha ee isku xirayo magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Jubbaland ayaa horay iyaduna u qaaday tallaabooyin ay ku maamulineyso hawadeeda, iyada oo amaro dul-dhigtay diyaaradaha tega deegaanadeeda oo ay ugu horreyso magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhawaan Kenya uu booqasho ku tegay ra’iisul wasaare Xamza oo Kenya kala soo hadlay arrimo ku aadan khilaafka dowladda kala dhexeeyo Jubbaland oo xiriir dhow laleh xukuumadda Nairobi.