Diyaaradii waday Fahad Yaasiin oo dib loogu celiyay Turkiga

1146

Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in diyaaradii waday Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin hadana ah la taliyaha Amniga Qaranka Farmaajo ay dib ugu laabatay magaalada Istanbuul oo markii hore kasoo duushay.

Diyaaradan oo saakay kasoo degtay garoonka Diyaaradaha Jabuuti ayaa saacado badan halkaasi ku xayirneed, waxaana diyaaradan ay la socdeen rakaab badan uu ku jiray Fahad Yaasiin dowlada Jabuuti ku amartay in dib ugu laabato Istanbuul.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibout Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Dhammaan rakaabkii saarnaa dayuuraddii Turkish Airways ee maanta ee Muqdisho u socotay ay ku laabatay Istambul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda.

Sida aan wararka ku heleyno Villa Soomaaliya ayaa wada qorshe kale oo ku aadan in diyaarad kale Fahad Yaasiin kasoo raaco dalka Turkiga taas oo si toos ah uga soo dageysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Fahad Yaasiin ayaa qorshuhu yahay in uu ka qeyb galo shirka Amniga Qaranka uu dhawaan Iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo si uu uga warbixiyo kiiska dilka loo geestay Ikraan Tahliil uu horey u codsaday in halkaasi kusoo bandhigayo xogaha uu hayo.

Wali lama oga in Fahad Yaasiin isla beri kasoo degayo magaalada Muqdisho iyo in uu safarkiisa dib u dhiganayo, waxaana hadal heynta maanta aheyd Socdaalka Fahad Yaasiin ee Muqdisho oo dowlada Jabuuti baajisay saacadana ku xayirtay garoonka Jabuuti.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaana ku eedeesay dowlada Jabuuti in Fahad Yaasiin ku xayirtay garoonka diyaaradaha Jabuuti una diiday in diyaaradii uu la socday oo ku hakatay Jabuuti usoo gudubto Muqdisho.