Donald Trump oo la xanibay Twitterka iyo Facebook

1429

Shirkadaha Twitterka iyo Facebook ayaa xanibay Ciwaanadii uu Madaxweynaha dalka Mareyakanka Donlad Trump ku lahaa barahaasi, kadib markii uu soo dhigay qoraalo u muuqday kicin rabshado .

Madaxweyne Trump ayaa baraha uu ku lahaa Twitterka iyo Facebook soo dhigay qoraalo uu kula hadlayay taageerayaashiisa weerarka ku qaaday xarunta Koongareeeska dalka Mareykanka xili halkaasi ku shirayeen xildhibaanada.

Donald Trump ayaana barihiisa kusoo qoray fariin uu ugu sheegay taageerayaashiisa in uu jecelyahay, waxa uu sidoo kale ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan guryahooda kana baxaan xarunta Koongareeska ay xoog ku galeen.

Shirkada Twitterka ayaa xanibtay akoonkii Madaxweynaha ku lahaa bartaasi, waxa ayna shirkada sheegtay in akoonka sii xanibnaan doono ilaa laga saaro sadex qoraal oo xadgudub ku ah shuruucda Shirkada oo lasoo dhigay barta Trump ku leeyahay Twitter.

Maamulka Shirkada Twitterka ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in haddii mar kale Madaxweyne Trump meel uga dhaco shuruucda Twitter-ka ay sababi doonto in gebi ahaanba la xannibo akoonka Madaxweynaha ee @realDonaldTrump.

Shirkada Facebook ayaa sidoo kale mudo 24-saac ah xanibtay akoonka uu Madaxweynaha ku lahaa bartaasi ,waxa ayna shirkada shaacisay in ay meesha ka saareen qoraalo abuuraya khalalaase iyo naceyb. .

Madaxweyne Trump ayaa marar badan iska indho tiray shuruucda baraha bulshada u yaala, waxa uuna soo qoray qoraalo kicin ah isagoo sidoo kale soo dhigay muuqaalo , waxaana Twitterka iyo Facebook marar badan qariyeen qoraalo iyo Muuqaalo uu Trump soo dhigay.