Donald Trump oo u Hanjabay Ciraaq

2125

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu cunaqabateyn ballaadhan uu ku soo rogi doono dowladda Ciraaq, haddii ay dhaqan geliso qaraarkii uu meel mariyay Baarlamaanka ee ahaa in dhammaan Ciidamada ajnabiga laga saaro dalkaas.

Donald Trump ayaa sheegay in saldhiiga Cirka Mareykanka ku leeyahay Ciraaq ay ku baxday ballaayiin doolar, isla markaana Ciidamada Mareykanka aysan ka bixi doonin illaa inta mas’uuliyiinta dalkaas ka bixinayaan kharashka Mareykanka uga baxay dhismaha saldhiggaas.

Hanjabaada ka soo yeertay Donald Trump ayaa u muuqata mid uu ku cadaadinayo dowladda Ciraaq in aanay fulin go’aankii Baarlamaanka dalkaas.

Tallaabada uu qaaday Baarlamaanka Ciraaq ee uu qaraar kaga soo saaray qorshaha looga saarayo Ciidamada Ajnabiga ayaa ka dambeysay, kaddib markii Mareykanka uu duqeyn ku dilay Generaal ka tirsan Ciidamada Iiraan oo todobaadkii hore lagu dilay duleedka Baqdaad.

Mareykanka ayaa waxaa ka jooga Ciraaq boqolaal askari, sidoo kale waxaa sanadihii u dambeeyay hormuud howlgalka looga saaray Kooxda ISISA dalka Ciraaq oo dhan.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN OO DHAMAYSTIRAN