Doorashada guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo lashaaciyay

1003

Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashooyinka dalka, Maxamed Ibraahim Barre, ayaa magacaabay Guddiga qabanqaabada doorashada Guddoomiyaha GXKHDD, kuwaas oo ka kooban 5 xubnood.

Xubnaha Guddiga qabanqaabada doorashada Guddoomiyaha GXKHDD ayaa kala ah Bashiir Axmed Yuusuf, Maxamed Aweys Maxamed, Cadnaan Maxamed Cabdalla, Saaqo Aadan Maxamed iyo Ayaan Cabdiraxmaan Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa todobaadyo kahor xil ka qaadis ku sameeyay 7 xubnood oo kamid ah Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashooyinka dalka, kuwaas oo uu kamid ahaa Guddoomiyihii Guddiga, iyadoo lagu bedelay 7 xubnood oo cusub.

Guddoomiye Maxamed Ibraahim Barre ayaa faray xubnaha Guddiga inay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda.

Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo garabsanaysa qaar kamid ah Dowlad-gobaleedyada iyo xubno Midowga Musharixiinta ah ayaa dadaal ugu jirta inuu kursigan kusoo baxo qof ku dhinac ah, iyadoo loolan adag kala kulmaysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Puntland iyo Jubbaland oo isku dhinac ah.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalmo kahor kaga guuleystay Madaxweyne Farmaajo doorashadii Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Federaal, kaddib markii uu kusoo baxay Muuse Yuusuf Geelle oo horay u soo noqday Guddoomiyaha gobalka Bari, uuna watay Siciid Deni.