Doorashada guddoonka barlamaanka Soomaaliya oo billaabatay

740

Doorashada guddoonka barlamaanka Soomaaliya ayaa haatan ka billaabatay teendhada Afisyooni, iyadoo xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa xildhibaannada lagusoo doortay Ceelwaaq.

Waxaa la isku raacay inaysan codaynta doorashada ka qeyb qaadan xildhibaannada Ceelwaaq iyo labo xildhibaan oo kala ah, taliyaha nabad sugida ee NISA, Yaasiin Farey iyo Cali Gaab oo dhowaan lagusoo doortay magaalada Jowhar.

Sababta waxaa lagu sheegay maadaama xildhibaannadan aysan haysan kaararkii barlamaanka, in aanay suurtagal ahayn inay ka qeyb qaataan doorashada guddoonka barlamaanka.

Si kasta ha ahaatee, doorashada guddoonka barlamaanka ayaa la filayaa in lagu gaari doono waqti dambe oo caawa ah, waxaana hoolka doorashada ku sugan 257, waxaase codaynta ka qeyb qaadanaya 239 xildhibaan oo buuxiyay sharuudaha doorashada.

8 xildhibaan ayaa u tartamidoona doorashada guddoomiyaha barlamaanka, waxaana la filayaa inuu dhexmaridoona tartan adag oo doorasho ah.