Doorashada kursiga HOP 086 oo la shaaciyay waqtiga laqabanaayo

291

Gudiga ku meel gaarka ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP 086.

 

Kursigaan oo deegaan doorashadiisu aheyd magaalada Baledweyne ayaa guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah waxay sheegeen in doorashadiisa, si ku meel gaar ah loogu wareejiyay magaalada Muqdisho.

Kursigaan ayaa doorashadiisa ka qabsoontay Baledweyne bishii Febraayo ee sanadkii lasoo dhaafay oo uu markaas kusoo baxay Agaasimahii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, inkastoo markii dambe natiijada doorashadii Fahad Yaasiin ay laaleen guddigii doorashooyinka heer Fedaraal, taasoo keentay in mar kale la qabanayo doorashada kursigaan 25-ka bishaan Febraayo 2023 oo ku aadan maalinta Sabtida ee soo socota.

Guddiga ku meel gaarka ayaa Maanta oo Khamiis ah sheegay in la diiwaan galinayo Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan doorashada kursigaan HOP 086 oo ka dhacaysa magaalada Muqdusho.

Hoos ka akhriso jadwalka doorashada kursigaan HOP 086:-