Doqolaal askari oo laga dejiyay Dhuusamareeb +SAWIRRO

198

Labo dayaaradood oo kala siday ciidamo iyo saanad Militery ayaa galabta ka dagay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta caasimada Galmudug

Ciidamadan oo laga duuliyey magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney qeyb ka noqon doonaan howlgalo laga fulinayo deegaanada ka maqan gacanta Maamulka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay daba socdaan ciidamo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dagayay caasimadda Galmudug, kuwaasoo ay beesha Duduble ugu talagashay xoreynta deeganadooda oo ay muddo 15 sano ku dhow heystaan kooxda Al Shabaab.

Waxaa si xowli ah u socdo gulufka ka dhanka ah Al Shabaab oo ay wadaan beelaha daga Galmudug iyo Hirshabeelle, iyadoo Maamulada KGS iyo Jubbaland ay wadaan abaabul dagaal oo Al-shabaab ka dhan ah.

Ciidamada DF iyo shacab hubeysan oo kacdoon wada ayaa maalmihii la soo dhaafay Al-shabaab ka saaray degaano fara badan oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab, iyagoo sidoo kale laayey dagaalyahano ka tirsan kooxdaas.