Dowlad goboleed cusub oo laga abuuray Itoobiya

1666


Qowmiyada Sidaama oo kamid ah Qowmiyahada dega dalka Itoobiya ayaa ku guuleesatay in ay yeeshaan dowlad goboleed u gaar ah, kadib markii afti laga qaaday dadka Qoywmiyaasi sidaasi u codeeyeen.

Go’aankan dowlad goboleedka cusub loogu abuuray qowmiyada Sidaama oo ah tan shanaad ee ugu tirada badan dalka Itoobiya ayaa ka dhalatay dalab qowmiyadaasi ku dooneysay in ay yeelato ismaamul u gaar ah.

Rabshado dad badan ku dhinteen ayaa sanadkii hore ka dhacay gobolka Qowmiyadaasi ku badan tahay, waxa ayna dadkan mudo dheer u dagaalamayeen sidii ay u yeelan lahaayeen ismaamul lamid ah kuwa Qowmiyadaha kale ee Itoobiya.

Qowmiyado badan oo kunool dalka Itoobiya ayaa dalbanaya in ay yeeshaan ismaamul iyaga u gaar ah, waxaana dalkaasi ka jira maamulo ku dhisan qaab qowmiyado ah, iyadoona ay ka dhaxeyso dowlad dhaxe oo Federaal ah.