Dowlada Kenya oo kordhisay beegsiga muwaadiniinta Soomaaliya +COD

1622

Dadka fallanqeeya siyaasadda Geeska Afrika ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay maalmihii dambe kordhisay cadaadiska ay saareyro dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaalida.

Dhowaan Kenya waxay dalkeeda ku xirtay afar qof oo uu ku jiro aqoonyahan lagu magacaabo Ibraahim Bursaliid oo dhaliili jiray boobka Kenya ee badda Soomaaliya

Maxamed Xaadir Nuur oo ka fallanqooda siyaasadda Geeska Afrika oo la hadlay warbaahinta Simba ee Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Kenya ay bilowday in ay beegsato muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Kenya,

Waxa uu sheegay in Kenya taasi ay ugu gun leedahay in cadaadis ay ku saarto Soomaaliya, si ay dowladda soomaaliya uga tanaasusho dacwada badda ee hadda taala maxkamada caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ.

Waxaa hadda aad looga cabsi qabaa in sidoo kale Kenya ay xabsiga dhigto aqoonyahanno kale oo Soomaaliyeed ama siyaasiyiin ku nool magaalada Nairobi.