Dowlada oo ciidamo hor leh geesay Gedo

1780

Dowlada Soomaaliya ayaa ciidamo hor leh geesay xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya gaar ahaan xad beenaadka kuyaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandheera.

Goobta la geeyay ciidankan cusub ayaa la sheegay in horey u joogeen ciidamo hore balse lagu xoojiyay ciidankan cusub, lamana oga sababta xiligan loo xoojiyay ciidamada jooga xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gobolka Gedo, Bakaal Kooke iyo qaar ka mid ah, Saraakiisha Ciidamada Guutada 12aad Qeybta 43aad Ee Degmada Balad-Xaawo ayaa tagay xadka Balad Xaawo la wadaago Mandheera gaar ahaan goobta ciidanka la geeyay.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey xadka Balad Xaawo iyo Mandheera u geesay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya kadib dagaal halkaasi ku dhax maray ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland.