
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa lagu shaaciyay in shirweynahan uu magaalada Muqdisho ka furmi doono 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026.
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa talo soo-jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxay casuumaad rasmi ah u fidinaysaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Qaban-qaabada shirkan waxa ay xukuumaddu u xil saartay guddi wasiiro oo uu hormuud u yahay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud Sheekh Cali.
“Xukuumaddu iyadoo tixgelinaysa dadaallada lagu xoojinayo midnimada ummadda iyo wadajirka dalka, taabba-gelinta dimuqraadiyad ku dhisan wadatashi iyo isu-tanaasul, isla markaana tixraaceysa qodobka 6-aad ee baaqii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxay ku dhawaaqaysaa gogol wadatashi qaran oo furmi doona 1-da Febraayo 2026, taas oo ka dhici doonta magaalada Muqdisho.”
Sidoo kale waxay ugu baaqday Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed in ay soo magacaabaan cidda dhinacooda ugu xil saaran qaban-qaabada shirka si la isula sii lafa guro ajandayaasha, shirkuna u noqdo mid mira dhal ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan soo dhaweeyay wada-hadal uu la galo mucaaradka, isagoo kulan gaara la yeeshay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, oo uu ka codsaday inuu kala shaqeeyo qaban-qaabada shirka haatan la iclaamiyay.
Golaha Mustaqbalka oo hore shirweyne ugu qabsaday Kismaayo ayaa caddeeyay inay dhankooda diyaar u yihiin in Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodaan sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, kuna qabsoonta waqtigeeda, oo ah dhammaadka muddada xil-hayntiisa.
Sidoo kale, Golaha ayaa waxba kama jiraan ku sheegay wax ka beddelka dastuurka ee Dowladda Federaalka sameysay, iyadoo sidoo kale goluhu caddeeyay in uusan marnaba aqbaleyn muddo kororsi sharci darro ah, taas oo uu sheegay inay abuurayso xasillooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.
Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale markaas ku goodiyay in haddii Madaxweynaha uu iska dhago tiro baaqyada wada-hadallada in ay guda geli doonaan sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada.





















