Dowlada Somalia oo kajawaabtay Tallaabadii Kenya

1778

Dawladda Soomaaliya ayaa goor dhowayd jawaab ka bixisay tallaabadii ay shalay qaadday dawladda Kenya ee ay kula soo laabatay safiirkeeda Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in khariiradaha ay sheegtay dawladda Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamadammada caalamiga ah ee Adudunka ee Hague. Waxay sheegtay Soomaaliya in mowqiifkaasi uu ka turjumanayo mas’uuliyadda saaran dawladda Soomaaliya ee ay ku ilaalinayso midnimada iyo madaxbannaaniddeeda siyaaso iyo dhuleed.

Soomaaliya waxay sheegtay inay aad uga xuntahay waxa ay Kenya ku sheegtay inay Soomaaliya bixinayso xidhmooyin bad ay lahaan karto Kenya. Waxay sheegtay inaysan qandaraas ku bixin xidhmooyin, qorshahana ugu jirin inay ku bixiso wax xidhmooyin ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaadhayso.

Soomaaliya waxay sheegtay inay u ballanqaadayso Kenya inaysan ku kicin falal dhinac keliya ah oo ku saabsan degaanka lagu muransan yahay ilaa maxkamaddu go’aan ka gaadho. Soomaaliya waxay sheegtay in markii maxkamaddu go’aankaas gaadho inay ixtiraami doonto go’aanka maxkamadda.

Soomaaliya waxay sheegtay inay aad uga xuntahay go’aanka ay Kenya ku amartay safiirkii Soomaaliya Kenya inuu ka baxo Kenya iyadoo aan wax la tashi ah la samaynin dalwadda Soomaaliya.