Dowladda oo ka hadashay dagaalkii saakay ka dhacay Raas kambooni

67

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay dagaal saakay ka dhacay aagga Raas kambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in saakay ciidan uu soo abaabulay Axmed Madoobe iney weerar kusoo qaadeen fariimo ciidanka dowladda ku lahayeen nawaaxiga deegaanka Raas kambooni.

“Subaxnimadii hore ee saakay ayaa koox ka tirsan Ciidanka Jubaland oo uu si qaldan u isticmaalay Axmed Madoobe waxaa ay soo weerareen fariisin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Gobalka Jubada Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Warsaxafadeedka ayaa sidoo kale Wasaaraddu ku sheegtay in ciidanka soo qaaday weerarka saakay iney soo dhexmareen deegaano ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab, kadib xiriir uu la sameeyay Axmed madoobe.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ula socota qorshe uu Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay Khawaarijta, taasoo keentay in Khawaarijtu u ogolaato in kooxaha uu soo abaabulay ee duullaanka ku ah Ciidamada Qaranka ay soo dhexmaraan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ugu dambeyntii Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale tilmaamtay ciidanka dowladda loo geeyay Raas kambooni iney la wareegaan deegaanada ay dhawaan baneeyeen ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Kenya.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaraada Gaashaandhiga oo dhameystiran:-