Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw Warsaxafadeed ay soo saartay uga hadashay iska hor imaadkii maanta ku dhexmaray gudaha magaalada Muqdisho ciidanka dowladda iyo kuwa ilaalada mucaaradka ee ka dhacay afaafka hore ee saldhiga degmada Warta Nabadda.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa si adag loogu eedeyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo ciidamo ay wateen iney isku dayeen inay xoog ku qabsadaan saldhigga degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
“Dowladda waxay cambaareyneysaa falal liddi ku ah amniga caasimadda oo ay ku dhaqaaqeen xubno siyaasiyiin ah oo doonayey inay xoog kula wareegaan Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
Dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkii maanta ka dhacay afaafka hore ee Saldhiga degmada Warta Nabadda in masuuliyaddiisa qaadayaan xubnaha Mucaaradka ah.
“Dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa in wixii maanta ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ay masuuliyaddiisa qaadayaan xubnihii sida bareerka ah ugu xadgudbay jiritaanka dowladnimada, amniga, kala dambeynta iyo shuruucda dalka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.
Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka ayaa u digtay siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo cid walba oo qalqal galineysa amniga guud ee Caasimadda dalka ee Muqdisho.