Dowladda Somaliya Oo Muqdisho u daabuleysa Ciidamadii Ahlusuna iyo Xaalada Oo Cakiran

1697

Dowladda Fadraalka Somaliya ayaa Deeganada Galmudug ka daabuleysa Ciidamada Ahlusuna Ee dhawaan Dowladdu ay qarameysay Islamarkaana Saraakiisha loo Dalacsiiyay.

Ayagoona Lagu qaaday diyaarado kuwaasi oo la geeyay Muqdisho si halkaasi ay ugu soo qaadtaan Tababaro Xirfadooda kor loogu qaadayo.

Waxaana Ciidamadaan laga kala qaaday Magaalyinka Dhuusa Mareeb iyo Guraceel kuwaas oo horey Looga soo aruuriyay Ciidamadan Hogaamiyaasha Ahlusuna arinkaani ma ahan mid ay raali ka yihiin Madaama uu xumaaday xirirka Ayaga iyo Dowladda ka dhexeeya wax ayna dhabar jab weyn ku tahay Madaxda Ahlusuna Ee Horey uxukumi jiray Ciidamadaan. Hada Muqdisho loo qaaday.

Dhanka kale Hogaamiyaasha Ahlusuna ayaa wadda Olale Ciidan Islamarkaana looga Hor geenayo Qorshaha Dowladda Somaliya Ee Dhusa mareeb.