Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida Wasiirkii Dastuurka

1783

Magalada dubai ee Waddanka isutaga Imaaraadka Carabta waxaa ku geeriyooday Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Xoosh Jibriil oo waayadaan xanuunsanaa,waxaana ka tacsiyadeeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenlka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay inay soo gaartay geerida Wasiirkii Dastuurka,isaga oo uga tacsiyadeeyey ehelada iyo asxaabtii uu ka geeriyooday.

“Waxa hadda Magaalada Dubia Ee dalka imaaratka ku geeriyooday Wasiirkii Arrimaha Dastuurka ee XFS Abdi Hosh. Alle ha u naxariisto, Dhamaan eheladii, qaraabadi iyo qoyskii uu ka baxay iyo dhamaan umadda Soomaaliyed Samir iyo iimaan Rabbi haka siiyo, Amiin.

Allaha u naxariistee Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Cabdullaahi Xoosh Jibriil ee ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray.