Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay berri tahay Ciid

1977

Dowladda Soomaliya ayaa ka laabatay go’aankii ay Caawa Fiidkii qaadatay ee ahaa in aysan berri aheyn Ciid,islamarkaana tahay maalinta Koowaad Ciida ay tahay Berri.

Qaar ka mid ah Culimadda dowlada ka tirsan iyo Masuuliyiinta Wasaaradda diinta ayaa ku dhawaqay in maalinta berri ah tahay Ciid.

Wasiirka Diinta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in ay ka laabteen go’aankii ahaa in aysan berri aheyn Ciid, islamarkaana berri ay tahay Ciid.

Dowladda Soomaaliya ayaa jahwareer ku riday Bulshadda, waxaana dowladda ka hor ku dhawaaqay in ay Ciid tahay Al-Shabaab, Jubbaland, iyo dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya.