Dowladdii Farmaajo waxay doonaysay in qabuuraha Iskuul Buulisiya laga dhiso hotelo

200

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay xukuumaddii hore ee Soomaaliya inay gacanta ku haysay qorshe ku aaddan in dhulka qabuuraha loo adeegsado in laga dhiso hotel ganacsi.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahaas ay ka horyimaadeen culimada Soomaaliyeed, oo sheegay inay xaaraan tahay in dhulka qabuuraha loo adeegsado dano ganacsi oo gaar ah.

“Xukuumaddii madaxweyne Farmaajo dalab ayey culimada u gudbiyeen si qabuuraha Iskool Buluusiya ay Hotelo uga dhistaan culimaduna ugu Fatwooto balse waa laga diiday,” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu sheegay, siyaasiyiintii dowladdii hore ka tirsanaa inay suurad xumaynayaan qaabka ay haatan dowladdu rabto in looga faa’idaysto qabuuraha kuyaala dhulka Iskuul Buulisiya.

Waxa uu sheegay, dhulka qabuuraha in loo dhisidoono oo ay isticmaali doonaan ciidanka badda Soomaaliya.

“Kalsoonida ugu horraysa ee dadku arki doonaan, waxay noqon doontaa tallaabada ugu horraysa ee la qaado marka dhulka qabuuraha la baneeyo,”

Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dowladda aysan culimada ku khasbin inay ugu fatwoodaan dhulka qabuuraha in la baneeyo.