Dowlado badan oo reer Galbeed ah oo aqoonsiga dowladda Falastiin

21

Maanta oo Axad iyo berito oo Isniin ayaa la filaya in 10 dal oo ka mid ah dalalka Midowga Yurub iney ku dhawaaqaan go’aan ay dowladd rasmi ah ugu aqoonsanayaan Falastiin.

Waxaa lagu wadaa in go’aankan lagu soo bandhigo shir caalami ah oo berito oo Isniin ah dhici doona, kaasoo barbar socda shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Dalalka reer Galbeedka ee qorshahan lagu aqoonsanaayo dowladda Falastiin ayaa kala ah Faransiiska, Britain, Australia, Canada, Belgium, Luxembourg, Portugal, Malta, Andorra iyo San Marino.

Waxaa xusid mudan in qorshahan uu kusoo aadayo, iyadoo dowlado kale oo caalami ah oo ay ka mid yihiin Spain, Norway iyo Ireland ay hore u shaaciyeen aqoonsiga dowladda Falastiin.

Talaabadan ayaa noqotay mid sare u qaaday cadaadiska caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu taageero ka hortaga dhibaatada iyo gumaadka Israa’iil ku hayso dadka reer Falastiin.

Go’aankan saacadaha soo socda ku dhawaaqi doonaam dalalkaan ka tirsan Midowga Yurub ayuu Raysal wasaaraha Israa’iil Netanyahu ku tilmaamay mid abaal marin ay uga dhigayaan argagixisada.

Ugu dambeyntii ciidanka Israa’iil ayaa mudo sanado ah gumaad aan kala joogsi laheyn ku haysa dadka reer Falastiin, gaar ahaan magaalada Gaza oo ay noqotay magaalo marti galisa dhibaato aan dhamaad laheyn.