DR Bursaliid oo Maxkamad lageeyay

1536

Maxkamad ku taalla Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa Maanta la horkeenay Afar Ruux oo Soomaali ah oo uu ka mid yahay Aqoonyahan Ibraahim Bursaliid oo Arbacadii ay xireen Ciidamada Sirdoonka dalka Kenya.

Dadkaan ayaa Kenya waxaa ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin waxa dalalka Reer Galbeedka ugu yeeraan argagaxisada,waxana Afarta ay kala yihiin,Maxamuud Maxamed Bashiir,Cali Cabdi Maxamed, Xuseen Xasan Maxameduud iyo Ibraahim Qaasim Faarax oo loo yaqaan Bursaliid.

Garsooraha Maxkamada Milimani ee magaalada Nairobi garsoore Peter Okoo ayaa amray in Afartaan Ruux ee Soomaalida ah lagu sii haayo Xabsiga mudo Afar Cisho ah,iyada oo Maxkamadeyntooda ay dhici doonto 12-ka Bishaan.

Wararka kale ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Hoyga Aqoonyahan Ibraahim Qaasim Faarax (Bursaliid) laga helay Baasaboor jabuutiyaan ah warqadaha gudiga doorashada afar taleefan Card-ka aqoonsiga qaxootiga ee loo yaqaan Alien-ka iyo Copy-ga laba Kibaandho oo Sharciga Kenya ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama hadlin tallaabadan ay ku dhaqaaqday Dowladda Kenya,iyada oo uu weli taagan yahay khilaafkii u dhaxeeyay labada dowladood ee salka ku haya muranka dhinaca Badda ah.