Dr. caan ah oo aano qabiil loogu dilay GAALKACYO

158

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil argagax leh oo xalay magaalada Gaalkacyo loogu gaystay dhaqtar caan ka ahaa waqooyiga magaaladaas oo xarun ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dr Sakariye Cabdi Jaamac, wxuuna ahaa dhaqtar dhallinyaro oo caan ka ahaa bulshada dhexdeeda.

Wararka ayaa sheegaya in aano qabiil darteed loo dilay dhaqtarka, waxaana nin hubeysan uu ku dhex-dilay xarun caafimad oo uu maamule ka ahaa oo lagu magacaabo Alxaramayn.

Ninka dila gaystay ayaa ku labisnaa dareenka ciidamada, wuxuuna ku hubeysnaa qoray AK47 ah, kaas oo gudaha u galay xarunta kadibna toogtay Dr Sakariye Cabdi Jaamac, sida laga arki karo muuqaal kooban oo ay duubtay kaamirada CCTV oo ku xirnayd xarunta.

Sidoo kale waxaa ninka hubeysan ee dilka fuliyay la socday laba nin oo kale oo la aaminsan yahay inay qayb ka ahaan falka dilka ah, kuwaas oo kaamirada ay soo qabatay, waxayna u ekaayeen kuwo gacan ku dhiig laha siinaya tilmaam ku aadan dhaqtarka.

Arrinta argagax leh ayaa ah in muuqaalka laga arkay ninka hubeysan ee toos u tooganayaa marxuumka, isaga oo gudaha u galay xarunta, isla-markaana toos ugu bilaabay xabadda.

Kooxda dilka fulisay ayaa kadib goobta ka carartay, waxaana meesha goor dambe soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban sameeyay.

Dilka Dr Sakariye Cabdi Jaamac ayaa hadal hayn xoogan ka dhaliyay baraha bulshada, waxayna dadka aad ula yaabeen sida loo dilay iyo sababta oo ahayd aano qabiil darteed.

Gaalkacyo oo koonfur iyo waqooyi ay ka arrimayaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa in muddo ah ka dhacayay dialka salka ku haya aanooyinka qabiil ee ka dhaca halkaasi