Dr Cismaan Dufle oo mar kale loo doortay inuu noqdo Senatarka afarta sano ee soo socota

915

Waxaa goordhaw soo gabagaboobay doorashada kursi ka mid ahaa sideeda kursi ee Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadiisa tahay Hirshabeelle, waxaana kuso baxay doorashada kursiga Dr Cismaan Maxamuud Dufle.

Doorashada soo gabagaboowday waxaa ku tartamay sadax Musharax oo kala ahaa Dr Cismaan Maxamuud Dufle, Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Raage Cismaan Xasan, waxaana wareegii koowaad tartanka ku haray Danjire Tarsan oo helay 19 cod, waxaana wareega labaad u soo baxay Dr Dufle oo helay 54 cod iyo Raage Xasan oo helay 25.

Wareegii labaad ee tartanka ayaa u suura galisay Dr Cismaan Maxamuud Dufle inuu mar labaad noqdo Senatarka afarta sano ee soo socota isagoo helay 68 Cod, halka Raage Xasan uu isna helay 28 Cod.

Berito oo khamiis ah ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo afar kursi ee ka harsan kuraasta sideeda ah ee doorashada Aqalka sare oo ka socota Magaalada Jowhar.