Duqa Muqdisho oo War deg deg ah kasoo saaray Banaanbaxyada Rabshadaha wata ee Muqdisho ka socda

1688

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay dhalinyaradda Banaabaxyadda ka bilowday Muqdisho in ay Xaaladda dejiyaan, islamarkaana ay go’an tahay maamulka gobolka Banaadir wax ka qabashada dhibaatadda taagan.

Eng Yariisow ayaa Cambaareyay falkii Saaka Askari ka tirsan Ciidanka Dowlada uu ku dilay Askari Mooto Bajaajle ah iyo qof Shacab ah oo la saarnaa.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska ay go’an tahay in ay soo qabtaan ninkii falkaasi ka dambeeyay, islamarkaana inta ka horreysa loo baahan yahay in Xaaladda la dejiyo.

“Waxaan cambaareyneynaa dilka loogeystay darawalkii Bajaajka iyo shaqsigii la saarnaa. Booliiska baa ku raadjooga askarigii dilka geystay. Fadlan dhalinyarada Bajaajleyda ha illaaliyaan nidaamka oo dadka ku dhexdhuumanaya ee rabshadaha wada ha iska fogeeyaan. Si nabad ah aan shucuurteena u muujino. Waxaan u tacsiyadeynayaa qoyskii ay ka geeriyoodeen labada marxuum” ayuu yiri Duqa Muqdisho.