Duqeyn Culus oo Ka dhacay Somaliya & Saraakiil ka Tirsan Shabab oo Lagu dilay

1618

Hawl galo qorsheysan oo kadhacey deegaano ka kala tirsan sh/hoose iyo jubada dhexe ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen saarkiil sare oo katirsan xarakada alshabaab.

Howl galkaan ayaa lasheegey in ay horkacaayeen kumaandooska soomaaliya ayagoo gacan ka helaayey diyaaradaha faransiiska sida uu sheegey sargaal katirsan howl galkaan oo magaciisa qariyey.

Duqeynta ka dhacdey shabeelaha hoose gaar ahaan inta udhaxeysa sablaale iyo Imbarayso ayaa lasheegey in lala beegsadey xaruun weyn oo lagu tababaro ciidanka Jabhada halkaas oo lasheegey in maalmihii danbe lagu aruurinayey ciidamo tira badan oo katirsan Kuwa Jugta culus ee gala dagaalada foolka foolka ah.

Howl galkan ayaa la aaminsan yahay in uu ku dhintey saadaq Nuur Cabdi oo loo yaqaano Xasan Nuur oo ah amiirka Guud gobolka Galgaduud walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin gertidiisa

waxaana xilaga duqeynta dhaceysey lasheegey in ay socotey xaflada loogu muxaadareynaayey ciidanka halkaasi ku sugnaa.

Dadka deegaanka oo aan laxiriirney ayaa sheegey in ay maqlayeen dhawaqa hubka daran dooriga udhaca.

Dhanka kale duqayn Xoogle ayaa ka dhacday Gobolka jubada dhexe duleedka Degmada Bu,ale waxana lagu beegsadey Amiirkii Guud ee Tababarada Xarakada Al shabaab Shekh ahmad Cumar oo looyaqanay ahmad dhere iyo darawalkiisa

Degmada Jilibna waxa la duqeeyay laba talis oo ay kala daganayeen ciidamo jabhada iyo kuwa xisbada ah oo saldhiga lagu duqeeyay labadaas xarumood waxaa waxyeelo kasoo gaarteey Ciidanka halkaasi ku sugnaa.

saraakiil dhawac ah ayaa lasheegey in ay halkaasi ka baxsadeen waxaan kamid ahaa sida xogtu sheegeyso
1-macalin mucaad oo ahaa amiirka xisbada jilib
2-Abu sacad oo ahaa amiirka dacwada guud ee gobolada jubooyinka
3-Abu xamza ahmd oo ahaa amiirka Diwanka Jabhadaha
Majirto ilo madaxbanaan oo xaqiinjin karta marka laga reebo sheegashada saraakiishaan

Sirdoonka soomaaliya ayaa lasheegey in ay kordhiyeen beegsiga goobaha muhiimka ah ee alshabaab kasoo qaado weerarada tooska ah