Duqii hore ee magaalada Muqdisho oo geeriyooday

166

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo masuuliyiin kale ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allah u naxariste Duqii hore ee magaalada Muqdisho marxuum Cali Ugaas Cabdulle.

 

Allah u naxariistee marxuumka ayaa maalmahii lasoo dhaafay xanuun la jiifay Isbitaalka Digfeer oo saakay ugu dambeyn uu ku geeriyooday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska uu ka baxay marxuumka oo uu ugu horeeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ah Ugaaska Beesha Mudulood iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Cali Ugaas Cabdulle.

Madaxweynaha ayaa xusay in marxuum Cali Ugaas Cabdulle uu muddo dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xiliyadii adkaa ee uu dalka soo maray, isalamarkaana uu ahaa rug cadaa siyaasadeed.

“Inna lillaahi wa inna ilaayhi raajicuun Alle ha u naxariisto Duqii hore ee magaalada Muqdisho Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Siyaasi ruug caddaa ah iyo Nabaddoon door weyn kasoo qaatay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo samatabixinta dadka soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Marxuum Cali Ugaas Cabdulle ayaa horay dalka uga soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Safiirka dalka Talyaaniga oo uu soo noqday sanadkii 2005-tii halka Duqii Magaalada Muqdisho uu soo noqday sanadahii 1987-1990.

Dhinaca kale Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska uu ka baxay marxuumka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Raysal Wasaaraha ayaa xusay in marxuumku uu ahaa muwaadin dalkiisa ugu soo adeegay daacadnimo, islamarkaana kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad dhisidda iyo dib u heshiisiinta dalka.

Waxaa sidoo kale ka hadlay geerida ku timid marxuumka inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, madax dhaqameedyada iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.