Ehud Barak oo kadigay burbur kuyimaada Srail

62

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel, Ehud Barak ayaa rajo xumo ka muujiyay in la xaqiijin karo guusha ay raadinayaan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan xukuumaddiisa.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu iyo Wasiirada mayalka adag ayaa isku dhaarsaday in la sii wado dagaalka ay ciidamadu kaga jiraan Marinka Gaza, illaa iyo inta laga wiiqayo awoodda militari ee Xamaas.

Ehud Barak, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel ayaa sheegay in Israel ay wajaheyso waqti adag, kaas oo keeni kara burburka Israel, haddii aan si dhakhsa ah loo soo afjarin colaadda Gaza.

Waxa uu sheegay in Israel ay kala daadaneyso, isla-markaana aysan muuqan wax istiraatiijyad ah ama qorshe dagaal, oo xukuumaddu ay ka leedahay dagaalka galay bishii 12-aad.

Waxa kaloo uu sheegay in Israel aysan suurtagal ahayn inay guul dhameystiran ka gaarto dagaalkan, si ka duwan taasina ay iyadu qarka u saaran tahay guuldarro.

Xaqiiqadu waa adag tahay. Israel ma aysan guuleysan October 7-deedii, kumana guuleysan doonto dagaalka ka socdo Gaza. Dhab ahaantii waxaan ku dhownahay guuldarro, intii aan guuleysan lahayn,” ayuu yiri Ehud Barak.

Ehud Barak oo wareysi siiyay Wargeyska Israel Hayom ayaa ka digay burburka Isreal, isagoona Netanyahu iyo kooxdiisa ugu baaqay inay qaataan heshiiska nabadda ee lagu soo afjarayo dagaalkan, xitaa haddii xabsiga laga sii wada deynayo dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta.

Israel waxay u baahan tahay inay u diyaargarowdo in la joojiyo dagaalka Gaza, si looga hortago xaalad kale, iyada oo loo marayo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga.” Ayuu yiri Barak.

Barak ayaa intaasi ku daray “Heshiiska ayaa keeni kara in la dejiyo xaaladda iyo inay hoos u dhacaan weerarada Xisbullah, xitaa haddii heshiisku uu yahay mid ku-meel-gaar ah.”

Netanyahu iyo Wasiirada midigta fog ayaa dhegaha ka fureysanaya baaqyada joogtada ah ee uga imanaya shacabka Israel, siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku talinaya in la joojiyo dagaalka, si la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza loo soo sii daayo.