Erdogan oo Muqdisho imaanaya

31

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dambeeyay ee soo dhaweynta Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo dhowaan kusoo wajahan caasimada, waxaana socda qaban-qaabo xooggan.

 

Wararka ayaa sheegaya in wafdi hordhac u ah Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu haatan imaanayo gudaha Soomaaliya, kaas oo gogol xaar u noqonayo soo dhaweynta Madaxweynahooda iyo xubnaha kale ee safarka ku wehlinaya, iyaga la shaqeyn doono guddiga ay dowladda federaalka Soomaaliya u diyaarisay soo dhaweynta.

 

Sidoo kale wafdiga Turkiga ayaa kulamo hordhac ah la qaadan doono madaxda sare ee dowladda federaalka iyo howlwadeennada ku sugan safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

 

Goobaha loogu talagalay in uu tago Madaxweynaha Turkiga waxaa iyaguna ku socda diyaarin xooggan sida in lagu sii dhejiyo Calanka Dalkaas, Sawirka Madaxweyne Erdogan iyo waxyaabaha kale ee lagu muujinayo soo dhaweyntiisa.

 

Sida qorshuhu yahay inta uu Recep Tayyip Erdogan ku sugan yahay Muqdisho waxa uu la kulmi doonnaa dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka wada-hadli doonaan arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiriirka labada dal heshiiskii Itoobiya ee ka dhacay Anakara.

 

Dhanka kale, Recep Tayyip Erdogan ayaa marka uu safar ku yimaado magaalada caasimada ah ee Muqdisho sidoo kale sii mari doonna magaalada Addis Ababa ee Itoobiya sida uu ku sheegay qoraal uu kol hore soo geliyay Bartiisa X ee horay loo oran jiray Twitter.

 

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo saaxibtinimo, iyada oo haatan Ankara ay Muqdisho ka taageerto dhinacyo muhiim ah, sida bani’aadanimada iyo milatariga, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka iyo qalabeyntooda,.

 

Si kastaba, Erdogan ayaa safarkiisii ugu horreeyay Soomaaliya ku yimid bishii August ee sanadkii 2011-kii isaga oo ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga, xiligaas oo xaalad adag oo dhanka abaaraha ah ay ka jirtay dalka, Muqdishana ay ku sugaayeen baracakayaal badan.