Erdogan oo sheegay inay sii wadidoonaan dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Ethiopia

136

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka wada hadlay arrimaha labada dal, gobolka iyo guud ahaan caalamka, sida ay sheegtay maamulka Isgaarsiinta Turkiga

“Intii lagu guda jiray wada hadalka, Madaxweyne Erdogan ayaaa muujiyay muhiimadda ay Turkigu siinayso midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka xafiiska isgaarsiinta.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in taageerada Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada ay sii socon doonto, Turkiye-na ay sii wadi doonto dadaallada dhex dhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xidhiidhka labada dhinac ayaa sii xumaaday tan iyo markii ay Itoobiya heshiis deked ah la gashay maamulka Somaliland 1-dii Jannaayo.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyo badan, gaar ahaan tamarta iyo difaaca uu sii wadi doono in uu hore u sii socdo.

Dhawaan, baarlamaanka dalka Turkiga ayaa meel mariyay mooshin uu Turkigu ciidamo ugusoo diridoono biyaha Soomaaliya, kaasoo qeyb ka ah iskaashiga difaaca labada dal.

Soomaaliya ayaa doonaysa inuu Turkiga ka caawiyo amniga baddeeda, iyo dhismaha ciidamada qaran ee ilaalada badda Soomaaliya.