Eritrea oo ka baxday Urur Goboleedka IGAD

50

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dalka Eritrea ayaa lagu shaaciyay inay ka baxeen xubinimadii Urur Goboleedka IGAD oo ay iskula jireen dalal ku dhaw 10 kuwaasoo ah geeska Afrika.

Sababta ay uga baxeen ayay Dowlada Eritrea ku sheegtay in IGAD lumiyay waajibaadkiisii sharci iyo wax ka qabashada xasilloonida gobolka,sidoo kale waxay ku eedeeyeen Ururka IGAD inuu u xagliyo Itoobiya.

Sannadkii 2007-dii ayay sidaan oo kale Eritrea uga baxday IGAD inkastoo lagu guuleystay in hadana lagu soo celiyo.