Ethiopia Airline oo beenisay inay joojisay isticmaalka hawada Soomaaliya

156

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay shirkadda diyaaradaha Ethopia Airlines ayaa lagu beeniyay war saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta si weyn u baahisay oo sheegayay in ay diyaaradaha shirkadda qaarkood laga joojiyay in ay isticmaalaan hawada Soomaaliya.

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa shaaca ka qaaday in wararkii ay baahiyeen warbaahinta qaar gaar ahaan BBC-da iyo baraha bulshada ee ku saabsanaa xaaladda hawada Soomaaliya ay yihiin kuwo been abuur ah oo xaqiiqada ka fog.

”Diyaaradda Ethiopian Airlines waxay jeclaan lahayd inay caddeyso in wararkii ugu dambeeyay ee BBC-da Amxaariga iyo baraha bulshada ee kale ee ku saabsanaa hadallada madaxa shirkadda Ethiopian Group ee ku aaddan xaaladda hawada Soomaaliya ay yihiin kuwo aan sax ahayn oo qalloocan” ayaa lagu yiri qoraalka Ethopian Airlines.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ethiopian Airlines aysan joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya, isla markaana madaxda shirkadda aysan sheegin in uusan ammaan ahayn duullimaadyada hawada Soomaaliya.

”Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaan joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya, iyadoo madaxa shirkadda Ethiopian Airlines uusan sheegin inaysan ammaan ahayn duullimaadyada hawada Soomaaliya. Sidaas awgeed, waxaanu ka codsanaynaa BBC-da Amxaarigu inay saxdo warbixinta ay ka soo saartay arrintan” ayaa lagu yiri qoraalka shirkadda.

Shirkadda Ethopian Airlines ayaa xaqiijisay in warqada lagu faafinayo baraha bulshada ee lagu sheegay in lEthiopian Airlines ee loo soo diray IATA ay tahay mid been abuur ah oo Ethiopian Airlines aanay weligeed warqad noocaas ah u qorin IATA.