Ethiopia oo dambiyo argigixiso kusoo oogtay Jawar Mohammed

1597

Itoobiya ayaa ka gudbisay dacwado argagixiso oo ay ku soo oogtay maalqabeenka caanka ah iyo siyaasiga mucaaradka ee kasoo jeeda qowmiyada Oromada, Jawar Mohammed.

Jawar, oo ah aasaasaha shabakada warbaahinta Oromiya isla markaana xubin ka ah xisbiga Oromo Federalist Congress, ayaa la qabtay bishii Juun xilli ay socdeen rabshado baahsan oo ka dhashay dilkii heesaaga reer Oromo ah Haacaaluu Hundeessaa.

Jawar iyo 22 dhaqdhaqaaqe, oo uu ku jiro hogaamiyaha mucaaradka ee Oromada Bekele Garba, ayaa wajahaya dacwado la xiriira ku xad gudubka sharciyada ladagaalanka argagixisada, isgaarsiinta iyo hubka.

Eedeesanayaasha ayaa hortagi doona maxkamada maalinta Isniinta si ay uga jawaabaan dambiyada loo soo jeediyay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Ethiopia.

Jawar oo horey xulufo ula ahaa raiisul wasaare Abiy Ahmed ayaa door weyn ku lahaa mudaharaadkii oromada ee Abiy xukunka ku helay 2018. Laakiin wuxuu markii dambe kamid noqday dadka dhaliila siyaasada Abiy Ahmed, asaga oo ku eedeeyay inuu ilaalin waayey danaha Oromada.