Everton Oo 22 Sano Ka Dib Liveprool Guul Kaga Gaartay Anfiled+SAWIRRO

1348

Everton ayaa guul weyn waxa ay Anfiled kaga gaartay Liveprool waxa ayna sii murjiyeen xaaladda Reds ee xilli ciyaareedkaan

Everton ayaa nasiinada ugu dirtay Liverpoo,hal gool oo nadiif ah oo ay uga naxasadeen biloowgii ciyaarta waxaana daqiiqadii 3-aad ka dhaliyay Richarlison xilli qalad dhanka daafaca oo muuqda uu jiray .

Liveprool inkastoo goolkaas looga naxsaday hadana in yar iyaga ayaa ku wacnaa kubad hayashada waxaana jiray fursado goolal noqon karay ee goolhahayaha Everton u diiday .

Everton oo waxa ay ciyaarayeen kubad daafac ah xilli sidoo kale ku wacnaayeen mararka qaar in ay gaaraan goosha Liverpool xilli fursado goolal ahaa laga bad baadiyay .

Liverpol waxaa qeybtii hore dhaawac looga saaray kulankaas Jordan Henderson waxaana daqiiqaddii 30-aad lagu badalay Nathaniel Phillips.

Everton waxa ay ciyaarayeen kubad deggan oo cadaadis isma aysan saarin inkastoo Liverpool uu ku jiray rabitaan ah in goolka waqti hore iska soo gudaan .

Soo laabashadii , Liverool cadaadis ayay ku soo galeen waliba waa u dhawanaayeen goolka bar bar dhaca xilli heerka kubad hayshada kooxda Klopp ay gaareysday %64.

Qeybta labaad ,Liverpool iyaga ayaa kubadda maamulayay balse xalka ayaa ka maqnaa xilli Everton daafac ahaan wacnaayeen , waxa uuna Klopp soo giliyay Xherdan Shaqiri oo daqiiqadii 63-aad loo saaray Curtis Jones

Goolhayaha Everton ayaa hor taagnaa isku dayo waliba oo ay saaxinada Salah sameeyaan kuna halis giliyaan goosha , waxaaana Everton qeybihii dambe ku adkaa in ay kubadda horay u sii jiidaan .

Liverpool si ka bad badis ayay dhamaadkii afka hore ugu dhaqaaqayeen ilaa lagu helay kubad rogaal celis aheyd ee uu bad baadiyay goolhayaha balse qalad ayaa sii raacay oo uu Arnolad ku sameeyay Calvert-Lewin waxaan ka dib la dhigay rigoore uu dhaliyay Gylfi Sigurdsson daqiiqadii 83-aad

Liverpool waxa ay kulankaan ka sheegtay qasaarinta fursadaha iyo nasiibka uu ka maqnaa waxaana loogu dhameeyay 2 gool oo nadiif ah xilli Everton 22 sano ka dib ay guul ku gaareen qalcadda Anfiled .